uddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay Isbitaalka Ciidanka Xoogga ku booqday askar ku soo dhaawacantay dagaalkii xooganaa ee shalay ka dhacay deegaanka Masaajid Cal Gaduud ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale u kuur-galay xaaladda caafimaad dhaawacyo horey looga keenay Gobolka Hiiraan, kuwaas oo iyagana ku jira Isbitaalka Digfeer.
Guddoomiye Madaale ayaa eebe ugu baryey dhamaan dhaawacyada kusoo waxyeeloobay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab in uu caafimaad deg deg ah Alle siiyo,
Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ugu baaqay in loo midoobo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, si looga saaro dalka oo dhan.