Wasiirka dhalinyarada & Ciyaaraha oo deg deg ugu dhoofay Itoobiya

52

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Xukuumaddda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa u dhoofay dalka Ethiopia si ay dhiirri-gellin ugu sameeyaan xulka qaranka ee 17 jirrada ah oo berri ciyaar kama danbays ah la leh xulka Tanzania.

Wafdiga wasiirka waxaa ka mid ahaa wasiiro dowlad goboleedyada dalka qaarkood, masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, saraakiil ka socota xafiiska madaxtooyada, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa intii aanay xulku dalka ka dhoofin casho sagootin ah u sameeyay ugu balan qaaday taageerada buuxda ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS.

Xulka qaranka ayaa usoo gudbay Ciyaarta kama danbaysta ah ( Final) iyo ka qayb-galka koobka qaramada Africa ee 2023 lagu qaban doono Algeria.