Ra’iisul wasaare Xamza oo ku sii jeeda Addis Ababa, kadibna booqanayo Jigjiga

64

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa la filayaa in maalmaha soo socdo uu booqasho ku tego magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isaga oo usii gudbi doono dhinaca Jigjiga, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa marka hore ku hormari doono Addis Ababa, halkaas oo uu wadahadallo kula yeelan doono, dhiggiisa dalka Itoobiya, Abiy Axmed.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in Xamza uu safarkiisa ugu sii gudbi doono magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya, halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono mas’uuliyiinta deegaanka, isagoo kala hadlaya amniga & dagaalka Shabaab.

Haddii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya tego Jigjiga, wuxuu noqon doonaa mas’uulkii labaad ee booqdo magaaladaasi, waxaana ka horreeyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.