Waxaa sii xoogeystay dagaalka Ciidanka dowladda iyo dadka degaanka oo dhinac ah & Al-Shabaab ku dhexmaraya degaanka Yasooman oo hoostaga degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiran, kaas oo arroortii hore ee saakay billaawday.
Dagaalka oo saacado badan socda ayaa dhinacyada waxaa ay heleen gurmadyo kala duwan, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan in diyaarado dagaal ay duqeyn xooggan ka bilaabeen goobaha ay ka dagaalamayaan Al-Shabaab ee kamidka ah deegaanka Yasooman ee Gobolka Hiiraan.
Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo ciidan uu hoggaaminayo ay gaareen degaanka Yasooman si ay qeyb uga noqdaan dagaalka ka socda degaankaas.
Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa qoraal kasoo saartay weerarka Al-Shabaab saaka ku qaadeen degaanka Yasooman, halkaas oo dagaal saacado badan qaatay uu ka socdo.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay 20 tirsan Al-Shabaab ku dilaeen deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan oo ay saakay soo weerareen.
” Ciidanka Qaranka oo kaashanaya dadka deegaanka siina hayay xogta abaabulka weerarka Kooxda Al-Shabaab yaa ka hortagay weerarka nafla caariga ah waxaana ay ku dhufteen dharbaaxo kale oo xooggan oo ay adkaan doonto in ay ka soo kabtaan ayaa lagu yiri” Warsaxaafadeedka.
Sidoo kale Wasaaradda Warfaafinta ayaa shaacisay in dagaalka ay uga dhinteen Ciidanka dowladda Saddex Askari, isla markaana Ciidamada dowladda ay howlgallo ka wadaan degaannadii ay weerarka kasoo qaadeen Al-Shabaab.