barnaamijka sama wade ee radio markabley qaybta 1aad

31

Kulanti wanaagsan  dhagaystayal ku soo dhawaada barnaamijka  sama wade  ee radio markabley

Barnaamijka sama wade caawo waxaan ku soo qaadanaynaa

 

Soomaaliya todobaadkii tagay waxa ay u dabaal degtay lixdan sano guurada xorriyadeeda hase ahaatee argagicisada alshabaab qayb kama ahayn dabaaldagaas taas oo ku qottonta hadafkooda soomaali diidka ah maadaama aanay aqoonsanayn Xuduudda Soomaaliya calankana u yaqaanaan calaamad gaalnimo.

 

Hadaba koox nuucaas ah oo ladagaalamaysa jiritaanka umadda sidee noola noolaankartaa, maxaase nagala gudboon?

 

Barnaamjka caawa waxa marti iigu ah

Madaxa maaliyada degmada baardheere rubaan cali faarax

Xog hayaha dawlada hoose ee degmada baardheere buraale ibraahin xaaji

Madaxii hore ee barista danbiyada degmada baardheere c/guhaad maxamuud macalin

Barnaamijka waxaad si toos  ah ugala socotaan radio markabley  FM 88.8 baardheere iyada oo cida uu seego barnaamijkan ay dib uga daalacan karto janalka yutubkeena sama wade show ama barta facebook
Samawade.so

Inta barnaamijka uu hawada ku jiro waxaad fariin noogu soo diri kartaan telefoonka nambarkiisa uu yahay
0613880535,  sidoo kale waxaad fariimaha noogu soo diri kartaan imfo@samawade.so  cida su’aal waydiinayso mas’uuliyiinta barnaamijka caawo martida ku ah ama fikir nagu biirinayso waxaad si toos ah nooga soo wici kartaan leenka idaacada markabley 04360113.
Barnaamijka aalaa waxaa idin soo jeediyo aniga oo ah yaxye c/risaaq soofe. Dhanka farsamada waa maxamed deeq cabdi cali (alfa)
barnaamijka sama wade  caawa waxaa soo saaray khaddar maxamed siraad
Qaybaha danbe ee barnaamijkana waxaan qadadka u furaynaa dhagaystayaasha si ay noogu biiriyaan su’aal ama fikir waxa ay inoo hayaan,
waa mar kale iyo barnaamijkii  sama wade ee radio markabley