Wasiiro iyo Xildhibaano kulan la qaatay Axmed Modoobe.

41

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo  ku sugan Magaalada Garowe ayaa waxa uu halkaasi kulamo gaar gaar ah kula qaatay Wasiiro iyo Xilidhibaano ka tirsan dowladda Federaalka.

Kulamadaan ayaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin sidii xal buuxa looga gaari lahaa khilaafkii ka dhashay doorashooyinkii ka dhacay maamulkaasi horaantii bishii Agoosto 2019.

Waxaa kulankaan ka muuqday Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo uu khilaaf ka dhaxeey Madaxeynaha Juballand Axmad Madoobe.

Wasiir Oomaar ayaa qoraal kooban oo uu ku daabacay bartiisa Facebook ku sheegay in wali uu jiro kala arragti Duwanaashihii u dhaxeeyay isaga iyo Axmed madoobe ee ku aadana arrimaha Siyaasadda.

“Caawa iyo Martisoor Garoowe. Kala duwanaashaha fikirka siyaasadeed waa halkiisii”ayuu yiri wasiir oomaar oo ka falcelinayay sawiradda kulankaas oo si wayn loogu faafiyay baraha Bulshada.