DEG DEG: DF iyo maamul goboleedyada oo ka heshiiyey qeybsiga $100 milyan

15

Sida ay xog hoose ku heshay Radio Markabley, dowladda dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada ee ku shirsan magaalada Muqdisho ayaa ka heshiiyey khilaafkii ka taagnaa habka loo qeybsanayo 100 milyan oo dollar oo ka timid beesha caalamka, gaar ahaan Bankiga Adduunka.

Sida ay xubno ka qeybgalayo shirka u xaqiijiyeen Caasimadda Online, dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa ku heshiiyey in maamul goboleed kasta la siiyo lacag dhan 4 milyan oo dollar si ay ugu qabsadaan howlaha horyaalla maamullada.

Habka loo qeybiyey lacagtaan ayaa ah mid gebi ahaanba ka duwan sidii markii hore loo qeybin jiray, taasi oo ku saleysneyd markii hore sida ay u kala duwan tahay miisaaniyadda maamul goboleedyada sida uu dhawaan sheegay wasiirkii hore ee maaliyadda Cabdiraxaman Ducaale Beyle.

Heshiiska hadda dhacay wuxuu ka dhigan yahay in maamullada qaar, sida Puntland wax iska beddaleen qeybta ay heli jirtay miisaaniyadda dowladda dhexe siiso maamul goboleedyada, waxayna markii hore Puntland qaadan jirtay miisaaniyad ka badan maamul goboleedyada kale.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo shirka kaga qeybgalayey qaab Zoom ah ayaa ugu dambeyn lagu qanciyey inuu qaato lacag la mid ah kuwa maamul goboleedyada kale la siinayo oo ah 4 milyan oo dollar.

Wasaaradda maaliyadda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa dhawaan isku khilaafay qaabka loo qeybinayo lacagtaas, waxaana natiijo la’aan kusoo dhammaaday kulan dhawaan Muqdisho ku dhex maray wasaaradda maaliyadda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.