Shirka madaxda maamulada iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho. Shirka oo laba maalmood socon doono ayaa kusoo aadaya xilli aad xasaasi u ah.
Warbixintaan waxaan kusoo koobeynaa shan qodob oo la filayo inay madaaxdu dul istaagto labada maalmood ee soo aadan
1- Amniga
Dalka qeybo kamid ah waxaa ka curtay dagaal lagu diidan yahay kooxda Al-Shabaab, maamulada qaar weli dhankooda dagaalku kama billaaban.
Dowladda federaalka ee Soomaaliya waxay sheegtay inay dooneyso inuu dagaalku noqdo mid guud ahaan ka socda dalka.
Wakiilada caalamiga ah waxay dhawaan usoo jeediyeen madaxda Soomaalida ee labada heer inay dagaalkaan iska kaashadaan