Ciidamada maleeshiyaadka macawiisleyda ee ku sugan Gobolka Hiiraan, isla markaana dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan degaano iyo degmooin katirsan Gobolkaas.
Ciidamada macawiisleyda oo garab ka helaya Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 27aad ayaa degaano dhowr ah oo katirsan gobolka Hiiraan kala wareegay Al-Shabaab kadib dagaalo xoogan oo ay la galeen.
Maxamed Cismaan Ganey oo kamid ah horjoogayaasha maleeshiyaadka macawiisleyda ayaa sheegay in abaabulka iyo dagaallada ka dhan ah Al-Shabaab ay ka wadaan Gobolka Hiiraan uu ka dambeeyay kadib markii ay Al-Shabaab dhibaato u geysteen dadka Shacabka ah laga soo bilaabo Bishii Ramadaan ee la soo dhaafay.
Wuxuu sheegay in dagaalka hadda ay dowladda kula jirto dowladda Soomaaliya Al-Shabaab ay iyaga kaga horreeyeen balse hadda a ku wada jiraan, isla markaana ay kordhiyeen weerarada a ku qaadayaan Goobaha a ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Ugu dambeyn wuxuu sheegay in dhammaan degaannadii a Al-Shabaab kala wareegeen ee Gobolka Hiiraan ay amnigooda siweyn u xaqiijiyeen, isaga oo sheegay inay diyaar u yihiin sii wadida dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo u mahad celiyay Madaxda dowladda Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan Gobolada Hiiraan & Galgaduud, waxaana taasi ay keentay inay dadka Shaca