Dil ka dhacay Magaalada Beledweyne & xiisad ka dhalatay

66

Askari la sheeay in uu katirsan yahay ciidamada Booliska ayaa Maanta waxaa uu Xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne kudilay mid kamid ah darawalada Gaadiidka ka Shaqeeya Magaalada Beledweyne, iyada oo dilka kadib uu goobta ka baxsaday.

Goobjooayaal ayaa sheegay in dilka uu ka dambeeyay kadib markii askariga iyo darawalka ay ku murmeen lacag darwalka uu Askariga ka doonayay, isaga oo dhowr xabadood ku dhuftay, waxaana darawalka oo lagu Magacaabi jiray Faarax Shiiraar uuu geeriyooday dhaawac culus oo soo gaaray.

Wararka laga helayo Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan oo ka gadoodsan dilka loo geystay darawalka ayaa xirtay wadada Buundada liiqliiqato ee magaalada Beledweyne, iyaga oo sheegay in ay furi doonin ilaa laga keeno dambiilihii dilka Geeystay.

Laamaha Amniga Magaalada Beledweyne ayaan weli ka hadlin dilka Maanta loo geystay mid kamid ah darawalada Gaadiidka Beledweyne, iyada oo dhowr jeer dilal noocaan oo kale ay ka dhaceen Magaalada Beledweyne.