Jubbaland oo markale dalbatay in gacanteeda dib loogu soo celiyo gobolka Gedo

41

Jubbaland ayaa war cusub ka soo saartay arrinta gobolka Gedo, waxayna shaacisay in haatan ay dowladda Soomaaliya kala hadashay sidii gacanteeda loogu soo celin lahaa gobolkaasi.

Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed (Shire Coley) oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka dalbadeen in gacanta Jubbaland lagu soo celiyo degmooyinka gobolka Gedo oo ay horey dowladdii Farmaajo u geysay ciidamo fara badan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ku rajo weyn yihiin in dib u heshiisiin laga sameeyo khilaafka siyaasadeed ee gobolka Gedo, marka isbedel lagu sameeyo hogaanka ciidamada.

Jubbaland ayaa haatan ka arrimisa kaliya degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaas oo ka mid aheyd meelihii lagu qabtay doorashooyinkii soo dhammaaday ee dalka.