Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Gobolka Banaadir oo la Magacaabay

42

Agaasimaha guud ee Hay’adda nabad suggidda iyo sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa taliyaha Hay’adda ee Gobalka Banaadir umagacaabay Muxyadiin Warbac Shadoor.

Sarkaalka la Magacaabay ayaa muddo dheer ka tirsanaa hay’adda lehna Khibrad dheer oo dhinaca amniga ah, waxaana horay u magacaabay sidaan oo kale Agaasimihii KMG ahaa ee NISA Bashiir Goobe balse uu u Shaqeyn waayay khilaaf u dhaxeeyay Farmaajo & Rooble.

Xilka Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa waxaa horay u haayay Yaasiin Fareey oo sidoo kale si KMG ah u haayay Xilka Agaasimaha KMG ah ee NISA, kaas oo shalay xilka ku wareejiyay Agaasimaha Cusub ee NISA Mahad Salaad.