Garyaqaanka DF oo dalbaday Waqti uu kaga jawaabo Dacwadda Fahad Yaasiin

34

Garyaqaanka guud ee Dowladda oo dalbaday in waqti dheeraad ah loogu daro, si uu uga soo jawaabo dacwadda uu Maxkamadda Sare u gudbiyay Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugida NISA, Fahad Yaasiin.

Warqad uu Garyaqaanka Guud ee Dowladda, Dr Cusmaan Cilmi Guulleed u diray Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa waxaa lagu xusay in ay xafiisku u baahan yahay 14 maalmood oo dheeraad ah si uu jawaab rasmi ah uga soo bixiyo sababta ay Guddiga Doorashada FEIT u hakiyeen kursiga HOP-86 oo uu ku soo baxay Fahad Yaasiin.

“Waxaan mudane Guddoomiye si xushmad leh kuugu wargalinayaa in aan u dirnay Warqad u dirnay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo aan uga codsanay inuu sida ugu dhaqsida badan noogu soo gudbiyaan Caddaymaha looga baahan yahay si looga difaaco Dacwadda loo ahaysto.

Sidaa darteed Muddane Gudoomiye waxaa si xushmad leh kaaga codsanaynaa mar labaad in aad noo oggolaato waqtiga aan kor ku soo xusnay ee labada asbuuc ah” ayaa lagu yiri warqadda ka soo baxday Garyaqaanka Guud.

Warqadaan codsiga  ah ayaana ku soo aadeysa xilli maanta ay ku ekeyd xilligii Maxkamadda Sare u qabatay in uu Garyaqaanka guud ee Dowladda uga soo jawaabo Dacawadda uu Fahad Yaasiin ka gudbiyay Guddiga Doorashada FEIT.