Taliye Odowaa oo ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin sababta ciidanka Xoogga aysan u dabaal degin laba sano

18

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka S/Guuuto oo khudbad ka weydiyay munaasabadda aas aaska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kaga hadlay arrimo kala duwan.

Ugu horreyn taliye Odowaa ayaa ugu mahadceliyay dhamaan inti kasoo qeyb gashay oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Munaasabadda loogu loogu dabaal degayo xiligii la aas aasay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed 12-ka April taas oo kasoo wareegatay 62 sano guuro.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen, Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay mahadcelin kadib in labadii sano ee laso dhaafay aan loo dabaal degin munaasabada Aas aaska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed sababo la xirirka Cudurka faafa ee Covid19, balse wuxuu sheegay in maanta ay suurta gashay in la qabto Munaasabadda.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhismaha Ciidanka Xoogga uu soo maray marxalado kale duwan islamarkaana uu joogay hadba meel, isagoo Sheegay in maanta uu meel sii gaaray islamarkaana howlaha shaqo ay halkas kasii wadi doonaan sarena ay hore u sii qaadi doonaan.

Isagoo hadalkiisa sii wato taliye Odowaa ayaa sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyay ay Xoogga saareyn xirfadeynta iyo kor u qaadida dhanka aqoonta ee Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaas oo heerar kale duwan loo tababarayay.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay Xoogga saareyn arrimaha taakuleynta Ciidamada haddii ay noqon lahayd Saadka, Sancada, Gaadiidka Caafimaadka iyo meelo kale.