Wasiirka Amniga oo amar ku bixiyay in dib loo furo terminalka Movcon

21

Wasiirka Wasaaradda Amniga ee XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo saaray warqad uu ku dalbanayo in dib loo furo terminalka Movcon ee Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Sidoo kale, Wasiir Cabdullaahi ayaa qoraalkiisa ku sheegay in isaga oo tixgalinayo adeega muhiimka ah ee laga fuliyo terminalka Movcon ay muhiim tahay in dib loo furo.

Wuxuu qoraalkiisa ku yiri” kadib markii la gaaray inta badan sababihii loo xiray terminalka Movcon, waxaan ku wargelinayaa dhamaan Hay’addaha sare in dib loo furo terminalka Movcon si buuxda maanta oo ay taariikhdu tahay 12/4/2022.

Terminal-ka garoonka Aadan Cadde ee Movcon ayaa la xiray sanadkii hore markey taariikhdu ahayd 23-kii bishii December, kadib markii qoraal kasoo baxay Xafiiska Maareeye ku-xigeenka Garoonka Aadan Cadde lagu shaaciyay in la xiray Terminal-ka, kaas oo ay  isticmaali jireen diyaaradaha AMISOM, UN-ka iyo Safaaradaha ajnabiga, ee deganka Muqdisho.

Lama sheegin markaasi inta uu xirnaan doono Terminal-ka Movcon, laakiin waxaa ku qoran warqadda, oo nuqul kamida illaa amar dambe.