Fahad Yaasiin oo dacwad ka gudbiyay Guddiga Doorashada FIET

43

Lataliyaha Amniga ee Madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin ayaa maanta Maxkamadda Sare ee dalka u gudbiyay dacwad ku aadan kursiga Hop-86 oo ay hakiyeen Guddiga Doorashada Heer Federal ee FIET.

Fahad Yaasiin oo dacwadan ka gudbiyay Guddiga Doorashada Heer Federaal ee FIET ayaa waxaa uu ku eedeeyay in si sharci darro ah ay ku hor istaageen Shahaado siintiisa maadaama lagu soo doortay Magaalada Beledwayne.

Kaaliyaha Maxkamadda Sare ee dalka oo dacwadaan qabtay, ayaa faray in laba maalmood gudahood ay Guddiga Doorashada Heer Federal ee FIET uga soo jawaabaan Dacwadda uu ka gudbiyay Fahad Yaasiin.

Lama oga sida ay uga soo jawaabi doonaan dacwadan Xafiiska Garyaqaanka Guud oo qareen u ah Guddiga FIET.

Guddiga Doorashada ee FIET ayaa hakiyay doorashada afar kursi oo kamid ah Golaha Shacabka, kuwaasi oo lagu soo kala doortay maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle.