Guddoomiye Mursal” Baarlamaanka lama dhaarin karo Koonfur Galbeed oo maqan”

21

Gudoomiyihii golaha shacabka ee Baarlamaankii 10-aad Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble & Maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo la xiriira Arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiye Mursal oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay si loo sii amba qaado howlaha dhameystirka doorashooyinka ay muhiim tahay in la dhageysto tabashooyinka ay qabaan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in aan la dhaarin karin Xildhibaannada labada Aqal, iyaga oo ay maqan yihiin Xildhibaannada laga soo doortay degaannada Koonfur Galbeed, wuxuuna dowlad Goboleedyada kale ugu baaqay inay ka qeyb qaataan xalka gaarista khilaafkaan.

Xildhibaannada labada Aqal ee laga soo doortay degaannada Koonfur Galbeed ayaa diiday inay qaataan Shahaadada Xildhibaannimo maadaama Guddiga doorashooyinka ay hakiyeen Saddex Xildhibaan oo Baydhabo lagu doortay xilli loo madalsan yahay in 14 Bishaan la dhaariyo Xildhibaannada labada Aqal ee Shahaadooyinka qaatay.