Waxaa magaalada Beledwayne maanta ka dhacday Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP-039 oo ay ku tartamayeen ilaa 2 Musharax.
Kursigaan waxaa ku guuleystay Cali Xaaji Aadan oo helay 86cod halka Murashaxii la tartamaysay Ee Aamina Xaaji Bile Cali ay heshay 13Cod, Waxaa halaabay 2 cod.
Doorashada kuraasta taala Beledwayne oo 25 ah ayaa gaba gabo ku dhow, iyada oo ilaa hadda la doortay 24 Xildhibaan oo ka tiraan Golaha Shacabka.











