Somaliland oo gacanta kusoo dhigtay Nin xaaskiisa dil u geystay

61

Kadib howlgal qorsheysan iyo baaritaano ay sameeyeen Ciidanka Booliska Somaliland, waxaa ay gacanta kusoo dhigeen Nin xaaskiisa dil ugu geystay Magaalada Hargeysa xaafad ka tirsan.

Taliska Booliiska Somaliland ayaa sheegay in baaritaan iyo daba gal kadib ay sameeyeeen ay ku guuleysteen in gacanta ay ku soo dhigaan gacan ku dhiiglihii Dilka u gaystay Xaaskiisa.

“Baadhid Iyo Dabo-gal balaadhan Oo Ciidanka Booliska JSL sameeyeen Way ku Guulaysteen In ay Gacanta Ku Soo Dhigaan Gacan ku dhiiglihii Dilka u gaystay Xaaskiisa.” Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliska Somaliland.

Taliska Booliiska waxaa ay hore ugu codsadeen Bulshada deegaanada Somaliland in ay ciidanka ay gacan ka siyaan Soo qabashada Ninkaan lagu magacaabo Mustafe Quraysh Maxamed Yuusuf, kaas oo lagu eedeeyay in uu dil u geystay Xaaskiisa oo ay iskula noolaayeen Magaalada Hargeysa.

Kadib soo qabashada Mustafe Quraysh Maxamed, Booliska Somaliland ayaa xabsiga u dhaadhiciyay, iyagoo sheegay in baaritaan lagu sameeno doono kadibna ay warbaahinta lasoo wadaagi doonaan wixii kasoo baxo baartitaankooda.