RW Rooble oo bogaadiyay xildhibaanada maanta qaatay shahaadooyinka

48

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo ayaa hambalyo u diray Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo guddoomiyehooda Muuse Geelle Yuusuf oo maanta bilaabay bixinta shahaadooyinka xildhibaannada la soo doortay ee baarlamaanka 11aad ee dalka.

Sidoo kale RW Rooble ayaa bogaadiyay xildhibaannadii ugu horreeyay ee maanta qaatay shahaaddooyinka.

“Waxaan sidoo kale bogaadinayaa xildhibaannadii u horreeyay ee maanta qaatay shahaaddooyinka, anigoo rajeynaya in howsha shahaaddo siinta iyo dhaarinta xildhibaannadu ku soo idlaato ka hor xilligii loo asteeyay.” ayaa lagu yiri qoraalka Raysal Wasaaraha Soomaaliya.