Guddiga doorashooyinka FEIT oo bilaabay Shahaado siinta Xildhibaanada labada aqal ee la doortay

47

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ( FEIT ) ayaa maanta bilaabay bixinta Shahaadada Xildhibaanimo  ee labada Gole ee Baarlamaanka 11-aad.

Xildhibaanno ka mid ah labada gole oo dhawaan la doortay ayaa tagay Saaka Xarunta Guddiga FEIT ee Airport Hotel si ay usoo qaataan Shahaadada Xildhibaannimo.

Illaa 21 Xildhibaan ayaa qaatay shaahadada Xildhibaanimo, balse Xildhibaankii ugu horreeyey ee qaatay shaahada Xildhibaanimo wuxuu noqday Xildhibaan Mohamed Ali Omar (Caana-nuug) kaas oo kusoo baxay Kursiga HOP#108, sida ay shaaciyeen Guddiga Doorashooyinka ee FEIT.

Xildhibaanada qaatay shahaadada xildhibaanimo waxaa ay kala yihiin:

1- Xildhibaan Mustafa Sheikh Cali Dhuxuloow oo hore ugu soo baxay kursiga HoP#049 ayaa qaatay shahaadada Xildhibaanimo.

2- Xildhibaan Mohamed Nur Abubakar- Shariif Mustafa oo isna kusoo baxay Kursiga  HOP#265 ayaa qaatay shahaadada xildhibaanimo.