Muuse Biixi oo ka hadlay khasaaraha ka dhashay dabkii xalay ka kacay suuqa Hargeysa

25

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay dabkii xalay ka kacay Suuqa weyn ee Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dabkaas uu ka dhashay khasaaro kale duwan.

Muuse Biixi ayaa ugu horreyn ugu tacsiyeey dadkii lahaa hantidii xalay ku burburtay oo malaayiin doolar ah, isagoo xusay in dabkaas aysan ku naf waayin wax dad ah, sidoo kalena aysan ku dhaawacmin dad badan.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in khasaaraha ugu badan ee dabka uu soo gaaray dadkii gurmadka ahaa, isagoo tilmaamay tilmaamay in 28 qof ay ku dhaawacmeyn oo ay 9 Dumar yihiin, inta kalena ay Rag yihiin.

“Aad iyo Aad baa ugu tacsiyeyneenaa dadkii lahaa hantidii xalay ku gubatay oo malaayiin doolar ah oo aanu garaneyno wakhtiga ay ahayd oo safarkii Ramadaanka Ilaahey aynu ugu baryeenaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo badal kheyr qabana uu halkooda Allah soo dhigo, waxaa kaloo illaah mahadii ah inaanu dad inooga dhiman waxaa kaloo illaah mahadii ah inaanu dhaawac jirin, 28 qof baa ku dhaawacmay 9 baa dumar ah waa dadkii gurmadka ahaa ee u badnaa dadkii hantidooda ay ku jirtay halkaa, dhaawaceena sidaa ayuu khafiif u yahay” ayuu yiri Muuse Biixi.

Sidoo kale, Madaxweynaha Biixi ayaa ku dhaawaqay in xukuumadiisu bixineyso  hal milyan oo dollar taas oo lagu caawinayo dadkii waxyeelada kasoo gaartay suuqa weyn ee Magaalada Hargeysa.

Ugu dambeyn Muuse Biixi ayaa aad ugu  mahadcelkyay dowladihii la soo wadaagay fariimaha murugada iyo kuwii usoo gurmaday, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Xukuumadda Kalinga shanaad oo uu xusay in wixii gaadiid ahaa ee dab dhamiska ay lasoo gaareen islamarkaana ay ka qeybqaateen daminta dabka ee Suuqa weyn ee Hargeysa.