Taliye Xijaar iyo AMISOM oo shir deg deg ah ka yeeshay sugida amniga doorashooyinka

21

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga Amniga Doorashooyinka S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta Guddoomiyey Shir degdeg ah oo looga hadlayey sugidda amniga doorashooyinka, amniga Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, amniga guud ee dalka iyo wada shaqaynta hay’adaha amniga.

Shirka oo ay ka soo qayb galeen Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya, Wakiilka Midowga Afrika u jooga Soomaaliya Danjire Francisco Madeira, Taliyaha Ciidanka AMISOM Gen. Diomede Ndegeya, Taliyaha Qaybta Koowaad ee Ciidanka AMISOM iyo saraakiil kale, ayaa waxaa lagu lafo guray dib-u-habaynta iyo xoojinta amniga Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, sugidda Amniga Doorashooyinka iyo dardar gelinta hawl-gallada la dagaallanka argagixisada.