Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig kuyaalla Shabeellaha Hoose

24

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saaka waaberigii hore waxaa ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Awdheegle oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa madaafiicda lagu weeraray Saldhiga Awdheegle, isla markaana madaafiic oo ahaa ku dhawaad 5 madfac ay ku dhaceen Xerada iyo daafaheeda.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Ciidamada dowladda dhankooda ay madaafiic kale uga jawaabeen weerarka madaafiicda ee lagu soo qaaday Saldhigooda degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Weli lama shaacin khasaaraha labada dhinac ee Ciidamada dowladda iyo Ururka Al-Shabaab kasoo kala gaaray madaafiicda ay is dhaafsadeen, hayeeshee Maanta xaalada ay tahay mid degan.

Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa Salhigyo kuleh Ciidamo katirsan Gorgor, waxaana mararka qaar ay fuliyaan howlgallo halka mararka qaarna ay weeraro kala kulmaan Ururka Al-Shabaab.