Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta kulan la qaatay Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka maamulkaas ee SEIT.
Madaxweynaha ayaa kala hadalay Guddiga kuraastii ay qabteen doorashadooda, isagoo uga Mahadceliyey Dadaalka ay ku bixiyeen qabashada Doorashada Xildhibaanada Labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliya ee Deegaan Doorashadooda ay tahay Koonfur galbeed.
Kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay xubnaha Guddiga doorashada Koofur galbeed ayaa imaanaya, xili maamulkaas uu noqday maamulkii ugu horreeyay ee soo gabagabeeyay doorashada kuraasta Golaha Shacabka iyo tan Aqalka Sare, waxaana kusii xigay Maamulada Galmudug iyo Puntland.