Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT ayaa shahaadada musharaxnimo gudoonsiiyey musharax Xildhibaan Axmed Maxamuud Jama iyo musharax Xildhibaan Cabdiqani Cali Ciise oo ku tartamaya kursiga tirsigiisu yahay #hop029.
Kursigaan ayaa lagu waddaa in uu kusoo baxo Axmed Maxamuud Jaamac oo ahaa Wariye ka tirsan Madaxtooyadda Jubbaland.
Sidoo kale Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT ayaa shahaadada musharaxnimo gudoonsiiyey musharax Xildhibaan Cabdullaahi Mukhtaar Maxamed iyo musharax Xildhibaan Maxamed Cabdirahmaan Nadiif oo ku dartamaya kursiga tirsigiisu yahay #HOP124.
Maxamed Nadiif ayaa lagu waddaa in uu kusoo baxo kursigaan waxaana horay ugu fadhiyay Cabdiraxmaan Dheere oo ahaa gacanyaraha taliyaha NISA.