Taliska AFRICOM oo sheegay in Awoodda Al-shabaab ay korortay

37
Lt. Gen. Stephen J. Townsend, commanding general for the XVIII Airborne Corps, Fort Bragg, North Carolina, visits Soldiers from the 1st Security Force Assistance Brigade at Fort Benning, Georgia, Oct. 23. During the visit, Townsend listened to troops within the unit to get a feel for why they chose to join the SFAB, so he could help spread the word to the rest of the force to assist with recruiting efforts. Soldiers interested in joining an SFAB should contact their branch manager for more information.

Taliyaha Ciidamada AFRICOM Gen. Stephen Townsend oo ka hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira Afrika, ayaa sheegeyna in awoodda Ururka Al-Shabaab ee ay korortay.

Talyaha oo wareysi siiyay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in Ciidamada Mareykanka ee laga saaray Soomaaliya ay Al-shabaab u sahashay in ay kororto awoodda ay weeraro uga geystaan meelo kala duwan.

Townsend ayaa tilmaamay in inkasta oo Washington laga aaminsaneyn in Al-shabaab ay awood u leedahay inay weerarro ka geysato gudaha Mareykanka, uu rumeysan yahay in kooxdu ay awooddo inay sidaasi sameyso.

“Taasi lama aaminsana lkn talye ahaan waan dareysanayahay in ay sameyn karaan” ayuu yiri Gen. Stephen Townsend.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in Amarka lagu soo saaray Ciidamada Mareykanka ay keentay in ay baajiyaan howlgallada ay la sameyn jireen Ciidamada Militeriga Soomaaliya.