Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen uu isugu yeeray Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarada laga soo doortay deegaanada Koofur Galbeed.
Xogta ayaa sheegaya in lafta gareen uu Xildhibaanada ka dalbaday in 20 bishan ay tagaan magaalada Baydhabo si uu halkaasi ugu furmo shir wadatashi ah oo ku aadan arrimaha doorashada dalka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweyne Lafta gareen uu xildhibaanada iyo Senatarada uu kala hadli doono doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo tan madaxweynaha Soomaaliya.
Todobaadka soo socda ayaa la filayaa in xildhibaanada iyo senatarada ka soo jeeda Koofur Galbeed ay tagaan magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.
Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa uu kulamo ka waday magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka.
Loolanka doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha ayaa waxaa ay ka bilaaban doontaa magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.