Ciidanka Xoogga dalka oo sheegay in ay fashiliyeen qarax

61

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheeysan ay ka sameeyeen degaanka Gabdhoole oo qiyaasti 40 km ujira magaalada Kismaayo.

Ciidanka ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu soo qabtay ku qabtay gaari nooca loo yaqaano Pro Box oo waxyaabaha qarxa Al-shabaab ku rareen iyagoo toogtay  gaariga waday.

Sidoo kale ciidanka waxeey dileen laba ruux Al-shabaab u qaabilsanaa qaraxyada dhulka lagu aaso iyagoo soo saaray sadax miino oo  ay dhulka ku aaseen.

Ciidanka ayaa sheegay in Shabaab ay  doonayeen  inay gaariga qaraxa ku waxyeeleeyaan shacabka magaalada kismaayo balse Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka hortageen.