Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas, Cali Saciid Faqi ayaa manta kulan la qaatey wafdi ay hogaaminaysey safiirada Midowga yurub u qaabilsan Soomaaliya
Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ahaa Safaradaha Sweden, Norwey iyo Holland, waxaana kulanka loooga hadlay wax ka qabashada Arimaha Abaaraha kajira degaanada Koonfur Galbeed iyo Taakuleynta Dadka danyarta ah ee ku sugan xeryaha Barakacayaasha
Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta ,Gergaarka ,iyo Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo iyo mas’uuliyiin kale, iyada oo lagu balamay in loo gudmado dadka ay abaartu saameeysay.
Degaano iyo degmooyin katirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa xilligaan kajira abaaro saameeyay dad iyo Duunyo, iyada dadkaasi aysan helindowlad ama maamul gurmad la gaara.