Madaxweynaha dalka Angola João Lourenço ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka Koonfurta Afrika oo ay Angola kamid tahay Danjire Maxamed Cali Mire.
Madaxweynaha ayaa Magaalada luwanda ee dalka Angola ku qaabilay danjirayaasha Magacaaban ee dalalka Mareykanka, Sacuudiga, Soomaaliya, Israa’iil, Purtugal, Spain, Burundi iyo Indunusia
Daniljire Maxamed Cali Mire oo kamid ahaa Danjireyaasha Magacaaban ayaa si toos ah waraaqihiisa Aqoonsi ugu wareejiyay Madaxweynaha angola, isaga oo u gudbiyay Salaan iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu shamaaday ee Maxames Cabdullaahi Farmaajo.
Wuxuu sheegay in dowladda Federaalka ah ay diyaar u tahay xoojinta iyo adkeynta labada dowladooda diyaarna u yihiin sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha, Amniga, Dhaqaalaha iyo diplimaasiyadda.
Dhinaca kale Madaxweynaha angola ayaa dhankiisa sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay sare u qaadida xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya ayna diyaar u yihiin in labada dowladood ay wadashaqeyn joogto ah yeeshaan.
Dalka Angola ayaa waxaa uu kamid yahay dalalka Safaaradahooda ay hoostagaan dalka Koonfur Afrika, waxaana kunool Soomaali farabadan oo u badan Ganacsato iyo Arday wax ka barata.