Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada golaha Shacabka iyo tirada xildhibaanada la doortay

29

Doorashada xildhibaanada golaha Shacabka ayaa ka socota qaar ka mid ah magaalo doorashada labaad maamul gobooleedyadda, maamulada Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa noqday maamuladii koowaad soo dhameystira doorashada kuraasta deegaan doorashada labaad, waxaana hadda u dhiman kuraas kooban oo yaalla Garowe iyo Baydhabo.

Ilaa hadda waxaa la doortay 222 Xildhibaan oo ka mid ah 275 oo  uu ka kooban yahay golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Kuraasta ugu badan ayaa ku dhiman maamulka Jubbaland iyo Hirshabeelle.

Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Beledweyne ayaa sidoo kale wali ka socdaan doorashooyinka.

Waxyaabihii lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in maamul gobaleed kasta laba deegaan doorasho lagu qabto doorashooyinka xubnaha aqalka hoose hase yeeshee waxaa hadda muuqata in caqabadi ka jirto magaalada Garbahaarey ee gobalka Gedo.

Khilaafka ugu xooggan ayaa hadda ka taagan kuraasta taalla magaalada Garbahaarey oo maamulka Jubbaland ay si weyn iska diideen in doorashada kuraasta taalla la shaaciyo maadaama dowladda dhexe ay ku eedeeyeen in ay ciidamo badan geysay halkaasi.

Sidoo kale Guddigii dhawaan uu Magacaabay Ra’iisul wasaare Rooble loo xil saaray xaaladda Garbahaarey ayaa loo diiday in ay taggaan magaaladaasi.

Afhayeenka guddiga dorashada heer-federaal Axmed Aadan Safiina ayaa horay sheegay in haddii kooramku buuxsamo ay dooranyaan guddoonka baarlamanaka iyo madaxweynaha oo aan loo joojineyn khilaafka siyaasadeed ee Garbahaarey.