Wafdi uu hor kacayo madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa gelinka danbe ee maanta lagu wadaa in ay u ambabaxaan dalka Mareykanka.
Ujeedka safarka madaxweyne Biixi oo aan wax badan laga ogeyn ayaa lagu wadaa in uu kulamo la yeelan doono mas’uuliyiinta dalkaasi Mareykanka.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa horay viisaha Mareykanka uga soo qaatay dalka Jabuuti oo uu dhawaan tagay.
Waa Safarkii ugu horreeyay ee Madaxweynaha Somaliland uu ku taggo dalka Mareykanka tan iyo markii la doortau 2017-kii.