Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhowaaqay in dalkaasi laga mamnuucay, Cunada Badda sida Malaayga iyo Dheymanka laa soo saaro Ruushka ee dalkaasi loo iib geeyo.
“Mamnuuciddu waxay bartilmaameedsanaysaa badeecooyinka “dhowr qaybood ee Ruushka, taasi oo dhimeysa dhaqaalaha Ruushka ” ayuu Biden ku yidhi khudbad uu ka jeediyay Aqalka Cad.
Mareykanka ayaa xoojiyay Cunaqabateynta ka dhanka ah Ruushka oo weerar bishii hore ku qaaday Wadanka Ukraine, kaasi oo ilaa hadda aysan muuqan dadaalo lagu joojinayo.
Ruushka waxaa uu weli wadaa duqeymaha aan kala joogsiga laheyn ee uu la beegsanayo Magaalooyinka Ukraine, waxaana la soo warinaya dhimasho iyo dhaawac hor leh.