Xildhibaan Maxamuud Muxumed Kuulow oo ka mid ahaa Xildhibaanada Dooran ee Baarlamaanka 11-aad ee deegaandoorashadiisu ahayd DG Jubballand ayaa galabta ku geeriyoodey Magaalada Nairobi.
Waxaa la sheegay in tan iyo markii la doortay in uu ku sugnaa magaalada Nairobi balse ay jireen xanuuno hayay oo tabanayay.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid xildhibaanka, waxaana uu sheegay in uu ka mid ah bulshada firfircoon ee Jubbaland.
“Maxamuud Muxumed Kuulow, waxaa si weyn loogu xusuusta doorkii uu ku lahaa shaqooyinka muhiimka ah ee Dowlada Jubaland qeybaheeda kala duwan gaar ahaan arimaha bulshada oo uu si weyn uga dhex muuqday” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.
Waxaa uu intaasi kusii daray “Waxaan si gaar ah tacsi ugu diraya Eheladii iyo qoysaskii uu ka geeriyooday marxuumku, isagana waxaan alle uga baryayaa inuu janadii fardowso ka waraabiyo”