Sasraakiil ka socda maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada Qalabka Sida ayaa safar shaqo maanta ku yimid degmada Baardheere ee Gobalka Gedo .
Sarakiishaan ka socota Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa waxa uu safarkoodu la xiriiraa maxkamadeynta askar lagu eedeeyay in ay dilal ka geysteen degmada Baardheere.
Saraakiishan ayaa garoonka Diyaaradaha waxaa ku soo dhaweeyey Mas,uuliyiin ka tirsan Maamulka Baardheere oo uu hor kacayey Faarax Turbac oo ah Gudoomiye ku xigeenka degmada Baardheere iyo Saraakiisha Ciidamada ee Baardheere.