Puntland oo Maanta isku keentay Saraakiishii & Ciidamadii ku dagaalamay Boosaaso xalna ka gaartay

36

Waxaa Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari kulan ku yeeshay Saraakiishii kala hoggaaminayay Ciidamadii ku dagaalamay Magaalada Boosaaso Bishii December ee sanadkii tegay ee 2021 iyo dhamaan Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada Puntland.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo dhameyn lahaa loogana gudbi lahaa khilaafkii sababay gacan ka hadalka ee ka dhacay Magalada Boosaaso, kaas oo dhex-maray Ciidamada Puntland & kuwa PSF, waxaana shirka guddoominayay Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed ( Galan).

Saraakiil ka kala socday dhinacyada Ciidanka sida, PSF,  PMPF , Boolis & Daraawiish oo kulanka goobjoog ka ahaa ayaa ku balamay sidii wadashaqeyntii jirtay dib loogu soo celin lahaa loogana gudbi lahaa xaaladihii Ciidanka dhexdooda ka dhacay.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed ( Galan) oo shirka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkooda uu kusoo dhamaaay guul, isla markaana dhamaan Ciidamada ay ku wada heshiiyeen inay ka wada qeyb qaataan sugida amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish.

Waxaa uu u mahad celiyay dhamaan Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada, isaga oo ka dalbaday inay ka gudbaan khalalaadkii ka dhacay Magaalada Boosaaso lagana wada Shaqeeyo sidii si isku mid ah u sugi lahaayeen guud ahaan amniga degaannada Puntlnad.

Dagaalkii ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa waxaa uu salka ku haayay kadib markii uu Madaxweynaha Puntland xilkii ka qaaday Agaasimihii PSF Maxamuud Cismaan Diyaano ,balse uu kasoo horjeestay, waxaana dagaalkaas iyo in Agaasimihii PSF xilkiisa lagu soo celiyo xal ka gaaray Isimada Dhaqanka Gobolka Bari.