Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay Kismaayo

26

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo kadib Safar shaqo oo uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Labada Madaxweyne ku xigeen, Gudoonka Baarlamaanka iyo Masuuliyiin kala duwan ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Magaalada Muqdisho oo uu muddo bil ah ku sugnaa ayuu kaga qeyb galay kulamadii la xiriiray hirgalinta hanaanka Doorashada dalka.