Muxuu yahay ujeedka safarka uu ku tagay Kismaayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka?

53

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo wefdi uu hogaaminaayo ayaa maanta safar shaqo ku tageen Xarunta Laanta 2aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee caasimadda Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Kismaayo.

Wafdiga uu horkacayo Agaasimaha Guud waxaa Garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ku soo dhaweeyay Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha Jubbaland Xuseen Xersi Axmed, wasiirka Amniga gudaha Jubbaland General Yuusuf Xuseen Dhuumaal, Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Cabdullaahi Dhubad Shiil, Gudoomiyaha Gobolka jubada hoose Cabdirashiid Cabdullaahi Cali, K/xigeenka Agaasimaha Guud Xasan Cabdulqaadir Maxamed, Agaasimaha Laanta 2aad Ibraahim Xasan Ismaaciil iyo Saraakiisha HSJ ee Degmada Kismaayo.

Safarka shaqo ee Agaasimaha Guud ee Hay’adda ayaa ujeedadiisu waxaa lagu sheegay in uu yahay kormeerka Xafiisyada Xarunta dhexe ee Laanta 2aad ee Caasimadda dowlad goboleedka jubbaland ee Magaalada Kismaayo iyo u kuur galka caqabadaha iyo horumarada shaqo ee ka jiro Laanta 2aad ee Hay’adda.