Dowladda Ukraine oo eedeyn u jeedisay Gaashaan-buurta NATO

59

Madaxweynaha Ukraine ayaa waxa uu weerar afka ah ku qaaday hoggaamiyayaasha NATO kuwaas oo diiday inay dalkaasi ka sameeyaan aag ka caagan duulimaadyada.

Khudbad kulul oo uu Volodymyr Zelensky jeediyay ayuu ku sheegay in cagajiidka reer Galbeedka ay ka cagajiidayeen inay arrinta soo farageliyaan ay Ruushka siisay “ogolaanshiyaha” ah inay sii socdaan duqaymaha lagu hayo tuulooyinka iyo magaalooyinka dalkaasi.

NATO ayaa waxa ay ku dooday in haddii la sameeyo aag ka caagan duulimaadyada ay sababi karto inuu qarxo dagaal ay la galaan Moscow.

Madaxweynaha Ruushkana, Vladimir Putin, waxa uu Sabtidii sheegay in tallaabakasta oo noocaasi ah loo arki doono inay tahay “ka qeybqaadashada colaad hub la isu adeegsanayo oo uu ku dhaqaaqay dalkii arrintaas sameeya”.

Dhinaca kale, Mar uu ka hadlayay cunaqabataynta ay reer Galbeedku ku soo rogeen Ruushka ayuu hogaamiyaha Ruushka waxa uu sheegay in ay “kuwaasi u dhigmaan dagaal lagu dhawaaqay oo kale, hasayeeshee Ilaah ayaa mahad iska leh oo heerkaas lama gaarin”.