Madaxweynaha Puntland & Agaasimihii PSF oo markale Maanta kulmaya

30

Gelinka dambe ee Maanta ayaa markale lagu wadaa in Xarunta Madaxtooyada Magaalada Boosaaso ay kulan Albaabada u xiran yihiin ku yeeshaan Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni & Agaasimihii xilka laga qaaday ee Hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

Kulankii shalay dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa uu kusoo dhamaaday natiijo la’aan kadib markii labada dhinac ay la tageen kulanka shuruudo uu diiday in midkasta uu fuliyo.

Kulanka Maanta ayaa waxaa labada dhinac ku wehlin doona isimo uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxaana rajo badan laga qabaa inay kasoo baxaan waxyaabo xal u noqon kara khilaafka Madaxweyne Deni & Maxamuud Cismaan Diyaano iyo dagaalkii ka dhacay Magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa doonaya in Maxamuue Cismaan Diyaano uu aqbalo digreetadii uu xilka uga qaaday halka Maxamuud Cismaan dhankiisa uu arrintaasi kasoo horjeedo, waxaana tan keentay in lagu dagaalamo Magaalada Boosaaso.

Isimada Gobolka Bari ayaa ku dadaalaya sidii loo dhameyn lahaa khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.