Barnaamij gaar ah oo ku saabsan waa sidee xaalada nololeed ee ay ku sugan yahiin Kumanaanka Qoys ee deeganooda ugu soo barakacay Abaaraha iyo Biyo la,aanta ee ku Sugan degmada Baardheere.

58

Labadii sanno ee ugu dambeeyay abaaro ba’an iyo biyo la;aan daran ayaa waxa ay halakeeyeen Nolosha kumanaan Qoys oo u badan Xoolo dhaqato reer guuraa ah oo intooda badan Xoolahi ay dhaafeen iyo Beeraley Noloshoodu ay ku tiirsaneyd wax soosaarka Beeraha,kuwaasi oo ku noolaa degmada Baardheere iyo deegaano hoos taga degmada.

Iyadoo dhibaatooyinkaasi ay jiraan sababna ay u tahay Roob yaraanta oo labadii xilli ee guga iyo deyrtii la soo dhafey ayan wax roobab ah ayan ka da,in Gobolka iyo Gobolada kale ee deriska ayaa waxay keentay in lIxdii Bilood ee la soo dhaafey dad lagu qiyaasey ilaa 8 kun oo Qoys oo Abaarta darteed ugu soo kala barakacay deegaano ka tirsan Gobolada Bay ,Gedo iyo J.DHEXE ay maciin bidaan in ay ku biiraan ilaa 29 xero Barakac oo ku kala yaala duleedka Baardheere.

Daruufahan Qalafsan ee soo wajahdey Qoysaskan ayaa sababay inay ka barakacaan guryahooda,iyagoona ku biirey Xeryo Barakac ee ku yaala duleedka Baardheere,arimahaasi waxay keeneen inay Ceyrtoobaan Qoysaskaasi,islamarkaana ay adkaato noloshooda, waxaana sara u kacay Qiimaha Maciishada lagu gato,Todobaadkan oo keliya waxaa baardheere soo gaarey ilaa 575 qoys oo ka soo barakacay degmada Diinsoor .

Qoysaskan oo u badan haween,Caruur iyo dad kale oo da,ah ayaa wajahaya dhibaatooyin xaga nolosha ah mana haystaan adeegyadii ay u baah naayeen in laga caawiyo sida ,Cunnada ,Hoyga ,Biyaha ,Musqulaha iyo Adeega Caafimaadka,inkastoo mararka qaar caawimaad kooban ay ka helaan Hay,ado Samafal iyo Ururo degan Baardheere,balse gargaarkasi ayaan ahayn mid joogta ah…

Qoysaskan faraha badan ayaa xilligan waxay culeys ku hayaan nolosha Bulshada deegaanka oo iyaga laftooda la daala dhacaya Cunno yari iyo cariiri xaga biyaha,maadama webiga Jubba oo ah isha Biyaha laga helo Bishii janaayo ee sanadkan uu biyo yareeyey,waxaana isbedelay muuqaalka Biyaha iyo dhadhankooda,iyadoo laga cabsi qabo haddii ay xaalada sidaan ku sii socoto inay cudurada faafa ay ka dhashaan Biyaha Webbiga Jubba .

Waxaa jira Hay:addo Samafal iyo Ururo ka qeyb qaatey siddii ay Kumanaanka Qoys ee Barakacayaasha ah u caawin lahaayeen,iyagoona ka taageeray dhanka Biyaha .Lacago Cash ah,Muqulo yo Daawada,waxaana ka mid ah Life Line Gedo oo kaashaneysa Concern World wide oo Biyo gelin,Musqulo iyo Leyrar u sameysay Xeryaha Barakaca Dabaqa Xaaji Cabdulaahi iyo Bulo Qansaxley,iyadoo dhinaca kalena Xeryaha barakaca maalin kastaaba siisa Daawo iyo Cunno nafaqeysan.

1-Xaawa Xasan Maxamed,waa Hooyo 65 sanno jir ah,Qoyskeeduna waxaa uu ka kooban yahay ilaa 8 ruux,waxayna degan tahay Xerada Barakaca Dabaqa Xaaji oo ay soo degtay bartamahii Bishii Okstobar ee sanadkii 2021,waxayna ka soo barakacdey degmada Diinsoor,mar aan kula kulmey Xerada ayaa waxay sharaxaysaa sida uu xaalkeedu uu yahay?

2-Ismaaciil Cumar Macalin waa Gudoomiyaha Guddida IDPSka Baardheere,waxuuna sharaxayaa inta xero ay degan yahiin dadka Barakacayaasha iyo deegaanada ay ka kala yimaadeen iyo weliba sida hadda ay ku nool yahiin?,isagoo intaasi ku darey maal mahii ugu dambeeyey xeryaha qaar caafimaad daro ay u dhinteen tiro caruur ah oo ka yar da,da shan sanno .

3-Maxamed weli Yusuf (Qorax) oo ah Gudoomiyaha Maamulka Baardheere ayaan wax ka weydiinay Culeyska Barakacayaasha faraha badan ay ku hayaan deegaanka ,kaalmooyinka ilaa iyo hadda ay ka heleen Hay,adaha Samafalka iyo Ururada ayaa sheegay in gaabis uu ka jiro dhanka wax u qabashada Barakacayaasha,baahi weyn loo qabo caawinta barakacayasha.

4-Ibraahin Maxamed Cabdi waaxid oo ah Madaxa Mashaariicda Beeraha iyo Kabayasha Nolosha ee Hay;adaha Samaflka Life line Gedo oo la socdey xaalada Barakacayaasha degan Baardheere ayaan ka wareysaney baahiyaha ay Qabaan xilligan Qoysaskan Barakacayaasha iyo gargaarka soo gaarey iyo weliba sida ugu macquulsan ee ay deeganadooda ugu laaban karaan.?

5-Cabdulqaadir maxamed oo ka mid ah Ganacsatada degmada Baardheere oo aan wax ka weydiinay saameynta Barakacayaasha ay ku yeesheen sarakaca ku yimid noocyada kale gedisan ee Maciishada deegaanka waxa u sabab ah?

Guud ahaan Dhageystayaal waxaa intaasi ku ek Barnaamijkii Todobaadlaha ee aan ku eegaynay waa sidee xaalada Nololeed ee Dadka Barakacaaysha ah ee degan Duleedka Baardheere,ciddi uu seegay Barnaamijkan waxay dhageysan doonaan ,maalinimada Arbacada 2.30 duhrnimo ama BARAHA AAN KU LEENAHAY INTERNEDKA SIDA WWW.RADIOMARKABLEY.COM,FACEBOOGA RADIOMARKABLEY IYO YOUTUBKA RADIOMARKABLEY.

soo gudbinta Barnaamijkan oo ah mid Todobaadle ah halka aad kala socotaan waa Radio Markabley Hirka FM 88.8 mhtz,Soo saarista Barnaamijkan waxaa gacan ka geystey Life Line Gedo oo kaashaneysa Concern Worldwide, waxaana idinla socod siinayey Anigoo ah Axmed Cumar Saalixi,dhanka Farsamadana waa Yaxye C.risaaq Soofe,inta aan ku kulmeyno Barnaamij midkan la mid ah sidaas iyo Nabad gelyo.

HALKAN KA DHAGEYSO BARNAAMIJKA