Maxay ka wada hadleen Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Shiinaha?

32

Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Shiinaha oo wada hadal ku yeeshay khadka Telefanka ayaa waxaa ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa.

Labada mas’uul ayaa isku soo qaaday sidii dal kasta loo xushmeyn lahaa Midnamadiisa iyo sidii looga hortagi lahaa wax kasta oo dhaawaca madaxbannaanida Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa Dhigiisa Shiinaha uga Mahadceliyay sida ay uga qeyb qaateen ka jawaabida Xaaladda Abaaraha iyo ka qeyb qaadashada Horumarka.

Wada hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli Somaliland iyo Tawain oo sheega in labadaas Dowladood ay ka madax bannaan yihin ay wada saxiixdeen Heshiisyo la xiriira Iskaashigooda.