Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi qiimeeya xaaladda Amniga magaalada Garbahaarey oo ah deegaan Doorashada labbaad ee Jubbaland.
Guddigaan oo ka kooban toddoba xubnood ayaa waajibaadkoodu yahay in ay soo qiimeeyaan amniga Goobta ay ka dhaceyso Doorashada Golaha Shacabka ee kuraasta taal Garbahaarey.
Sidoo kale waxaa laga rabaa in ay soo uruuriyaan arragtiyada dadka magaalada ee leh Kuraasta taala halkaasi, ka dibna u soo gudbiyaan Ra’iisul wasaaraha muddo toddoba maalmood ah.
Magacaabistan ayaana daba socota ka dib markii Maamulka Jubbaland uu sheegay in aanu halkaasi la talin, suuragalna aheyn in ay Doorasho ka dhacdo.
Hoos ka akhriso Magacyada Guddigaan.