Puntland oo qabaneysa Shir lagu heshiisiinayo Beelo dagaalamay

33

Todobaadkaan Gudhiisa ayaa waxaa lagu wadaa in Shir ku saabsan dhammaystirka Nabadayntii degaannada Saax-maygaag iyo Senge-jebiye oo ay ku dagaalameen laba maleeshiyo Beeleed uu ka furmo magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Shirkan oo ah wajiga labaad ayaa waigigiisii koowaad waxaa uu ka dhacay Degaanka Hadhwanaag ee Gobolka Sool, waxaana ka qyeb galay xubno uu hoggaaminayay Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Isimada Dhaqanka labada dhinac, iyada oo lagu guuleysay in dagaalka a joojiyo.

Odayaasha Dhaqanka & maleeshiyaadka labada Beelood ayaa si buuxda u fuliyay dhammaan Qodobadii ka soo baxay Shirkii Hadhwanaag sida taas oo keentay in dhinacyada dagaalamay la kala qaado.

Inta badan dadkii kunoolaa degaannada Saax-maygaag iyo Senge-jebiye oo markii hore colaada ka barakacay ayaa dib ugu soo laabtay, waxaana Xukuumadda Puntland ay mamnuucay degaameynta Goobaha lagu dagaalamay.

Ciidamo katirsan kuwa Maamulka Puntland ayaa ku sugan Goobaha lagu dagaalamay, kuwaas oo amniga siweyn u xaqiijinaya si looga gudbo dagaalada labada maleeshiyo Beeleed oo ah kuwo soo laab laabtay.