Waxaa maanta Magaalada Muqdiaho lagu soo gaban gabeeyay Shirka Madasha Golaha Horumainta Qaranka oo labadii bari ee la soo dhaafay ka socday Magaaladda Muqdisho kaas oo ay kuwada kulmeen Wasaaradda Qorsheynta, Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Qorsheynta ee Dowlad Gobaleedyada dalka.
Shirkaan ayaa intii uu socday waxaa lagu kala qaatay warbixinno la xiriiri kobcinta dhaqaalaha, xakameynta iyo ka hortaga saameynta masiibooyinka, iyo habsami u fulinta Qorshayaasha Horumarinta Qaranka waxana madaxda maamul goboleedyada ee shirka ka soo qeyb galay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay madashan iyo in lagu dadaalo sidii loo joogteyn lahaa isku xirka iyo wada shaqeynta wasaaradahan.
Wasiiru ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta dowlad gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cabdi xamiid Maxamed Cali dhankiisa bogaadiyay wada xoojoodka wasaaradaha shaqeynta ah
Ugu dambayntii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Mudane Asad Yusuf ayaa ka hadlay muhiimada uu leeyahay kulanka isaga oo sheegay in wasaaradda qorsheynta heer Federaal ay mar kasta diyaar u tahay ka shaqeynta iska warqabka Wasaaradaha qorsheynta heer Federaal iyo heer maamul goboleed shirkana uu dhicidoono sanad kasta si looga wada hadlo xaqiijinta howlaha hormarneed ee wasaaradaha.