Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya u qaabilsan Tiina Intelmann, iyagoo ka wada hadlay qodobbo dhowr ah ku saabsan doorashooyinka, amniga iyo abaaraha ka jira dalka.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in howsha doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku ay mareyso heer gebogebo ah, uuna filayo in ay ku soo dhammaato xilliga loo asteeyay ee 15ka March ee soo socota, Isagoo xusay in doorashadaas ay xigi doonto doorashada Guddoonnada Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.
Sidoo kale, kulanka ayaa la iskula soo qaaday taageerada Midowga Yurub ka geysanayaan gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay, iyadoo safiirka sheegtay in Midowga Yurub ay 41 Milyan oo dollar u qoondeeyeen gurmadka abaaraha ka jira dalka, ayna taageerayaan dadaallada Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka ka yahay ee socda.
Dhinaca kale, labada dhinac ayaa ka hadlay xaaladda colaadeed ee ka dhalatay dagaalka Ruushku ku qaaday Ukraine iyo saameynta ay ku yeelan karto Yurub iyo guud ahaan dunida, Iyadoo uu RW Rooble arrintaa ka muujiyay sida uu uga xun yahay xaaladdaas colaadeed, waxaana uu ku baaqay in wada hadal lagu dhammeeyo colaadda taagan.