DEG-DEG:- Ciidamada Ukraine oo dib ula wareegay gacanta ku heynta Magaalada Kharkiv.

30

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada Ukraine ay dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalada muhiimka ah ee Kharkiv, sida laga soo xigtay guddoomiyaha gobolka.

Sidoo kale, Xoogaga Ruushka waxaa la tilmaamay in ay u suurtagashay in ay gudaha u galaan magaalada, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ukraine, hal habeen oo kali ah, balse dib ayaa loo celiyay.

Tani ayaa imaaneysa iyadoo Ciidamada Ruushka gudaha u galeen magaalada 2-aad ee Ukraine Kharkiv saacadii lasoo dhaafay, iyadoo dagaal uu ka socdo waddooyinka magaalada sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka.

Sidoo kale, Waxaana la arkayay  sawirro u muuqda inay muujinayaan ugu yaraan laba baabuur oo “Tiger” Ruush ah oo ku gubanaya magaalada Kharkiv ee Ukraine. .

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco…