QM oo Soomaaliya ugu deeqday dhaqaalle loogu tala galay abaaraha

41

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ayaa meelmarisay lacag dhan 25 milyan oo doolar oo loogu tala galay abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.

Mr Adam Abdelmoula, oo ah Xiriiriyaha Gargaarka Bani’aadanimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa sheegay in lacagta kaash ah ee ka imaanaysa Sanduuqa Bani’aadantinimada Soomaaliya (SHF) lagu gaarsiin doono gargaar cunto iyo biyo ah deegaanada fog-fog ee Jubbaland iyo Puntland.

Qoondayntan ayuu sheegay in ay kaabayso 17 milyan oo dollar oo dhawaan laga keenay Sanduuqa Dhexe ee Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay (CERF) si loogu daboolo baahiyaha degdegga ah ee bulshooyinka ay abaaruhu saameeyeen.

“Lacag la taaban karo iyo waqti hore oo loogu talagalay waxqabadyada wax ka qabashada, oo uu ku jiro Qorshaha Waxqabadka Bani’aadamnimada ee 2022, waa mid muhiim ah si looga hortago dhibaatooyin kale oo lagu badbaadiyo nolosha,” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray Mr Adam Abdelmoula.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in ka badan 4.3 milyan oo qof ay u baahan yihiin cunto iyo biyo, iyadoo in ka badan 500,000 ay ku barakaceen abaaraha ka jira Soomaaliya.