Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee 2020/2022 ayaa muddo dheeri ah ku daray baaritaanka dacwada kursi lamber HOP#045.
Kursigaan ayaa dhawaan loo diiday in uu ku tartamo Wasiirka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed, waxaana uu dacwad ka gudbiyay Musharax ku guuleystay ee dhawaan lagu doortay Baraawe.
Guddiga ayaa ku daray Shan maalmood oo dheeri ah xilliga loogu tala galay in lagu soo gabagabeeyo dacwadda.